Computer-ka iyo Soomaalida?

Soomaalida guud ahaan meel kasta ay joogaan waxay ku hooseeyaan lahaanshaha ama gadashada kumbuyuutarka, ha ahaado ganacsade, ha ahaado qof caadi ah, waa meel kasta oo Soomaali joogto Yurub dheh, Amerika dheh, Afrikada kale dheh, Carabta dheh, meel kasta waa sidaas.

Kumbuyuutarka aan ka hadlaayo waa kan qofku isticmaalo (personal computer) mid xafiis la dhigo iyo mid la qaatoba (labtop).

Sababta aan u aaneynayo arinkaan waa aqoonta tekta oo Soomaalida guud ahaan aad ugu yar, Soomaalida oo aan jeclayn aqoon kororsiga, fahanka nolosha oo ku yar iyo meesha wax marayaan iyo isbedelka socda oo aan lala socon.

Yurub nin jooga 20 sano ama gabar joogta oo weligeed aan kumbuyuutar yeelan waxay ku tusinaysa sida hawlaheenii reer guuraanimada weli nooga buuxdo!.

Afrika guud ahaan qiyaastii waxaa lagu qiyaasaa in dadka kumbuyuutar leh ay gaaraan wax ka yar boqolkiiba labo (2%) oo keliya.

Ceebta noo raacda hadaan Soomaali nahay waa inaysan jirin siyaasad jiilka soo socda u diyaarinaysa inay la qabsadaan tekta cusub ee Internet-ku aabaha iyo hooyada u yahay, waayo ma jiraan iskuulada qalab kumbuyuutar oo tekta cusub lagu barto wadadeedana lama hayo..

Waxaan dhihi lahaa qof kasta oo awooda inuu hal kumbuyuutar gado oo laptop ah ama kan miiska la saaro inuu gato oo adeeg sado bartana sida loo isticmaalo.

Wax kasta waa online maanta caalamka intiisa badan, suurta galna maaha in aad mobile keliya ku gaabsato, aqoon kororsi iyo waxbarasho iyo shaqaba waxay u baahan tahay adeegsiga IT-ga guud ahaan..

Dadka Soomaaliya jooga idinku hal kumbuyuutar hadaa awoodo caruurta u gad gurigana u dhig, iyagaa wacdaro dhigi doonee wax badanna ku baran doonee.. kan hore haba jebiyeen hadey doonaan laakiin kuwa danbe hubaal waxaa ah in ay waxbadan oo aqoon ah ka kororsanayaan iyo weliba inay noqdaan ingineero software ama networks iwm beri noo sameeya dalka horumarkiisana ka qayb qaata.

Hadeynaan gaari karin hal qof iyo hal kumbuyuutar (one person one computer) bal ugu yaraan aan gaarno hal kumbuuyar oo qoysku wadaago waxna kuwada barto!..

Ogaaltech

Share:

More Posts

Isambard AI

Isambard AI Dawladda Ingiriiska ayaa maanta daah furtay qalab kumbuyuutar oo awood badan (supercomputer) kana daah furtay jaamacadda Bristol ee magaalada Bristol ee Koonfurta Ingiriiska. 

Send Us A Message