Oraah daas ciwaanka ka muuqata ayaan marar badan la kulmay oo dad mas’uuliyiin ah igu yiraahdeen kadib markii aan ku dhiiri geliyey inay ganacsigooda ama hay’adooda shaqo u sameeyaan bog gaar u ah oo wata magaca shirkadda ama hay’adda sida www.magacganacsi.com iwm.
Sababta aan is leeyahay waxa fikirkaan khaldan keenay waxa weeye dadka badankiis inaysan fahamsanayn waxa website shirkad ama hay’ad yeelato uu yahay. Si marka loo fahmo arinkaa waxaan jeclahay inaan bal tilmaamo waxa website yahay iyo sida loo isticmaalo.
Internet-ka waa aalad waxbadan oo horumar ah keentay, isbedel weynna ku samaysay sida loo wada xiriiro iyo sida cid kasta u gudbiso waxa ay rabto ama qabato ha ahaato mid ganacsi, mid hay’ad dawli iyo mid shakhsiba. Sidoo kale wuxuu internet-ku soo kordhiyey in cid kasta wax iibsan karto ama iibgeyn karto meel kasta oo aduunka ka joogo.
Hadaba, hadaan ka soo qaado isticmaalka ugu sahlan ee shirkad u isticmaasho website; waxa weeye,in shirkaddu ku soo gudbiso websiteka waxkasta oo shirkadda ku saabsan sida sheekada asaaska shirkadda (about us), cidda asaastay ama maamusha (company management), waxa ay gado ama adeegga ay bixiso (product or services), sida loola soo xiriiri karo (contact) iyo guud ahaan nidaamka wanaagsan ee ay ku shaqeyso ama sharciga ay ku dhisan tahay (company legal status and customer service).
Marka, in website shirkad yeelato kuma xirna dadka daawanaya ama isticmaalaya ee waxay ku xiran tahay shirkaddu inay fahan santahay in websiteku yahay goob ay ku soo bandhigto jiritaankeeda una sahasho macaamiisha si fudud inay ula soo xiriiraan warka shirkaddana marwalba helaan. Sidoo kale shirkaddu waxay faa’iideysaa in internet-ka ay ku yeelato bar iyada u gaar ah oo xambaarsan magaceeda cid kastana heli karto ha dhowaato cidaasi ama ha fogaato. Internet-ku kan kuu dhow iyo kan kaa fogba isku si ayey kuu arkayaan kuulana soo xriiri karaan hadey doonaan.
Waxyaalaha marar badan niyad jebiya dadka qaarkii ee website samaystay balse aan arkin faa’iidadiisa waxaa ka mid ah inaysan aqoon sida websiteka loo baahiyo dadka iyo macaamiishana loo gaarsiiyo taas oo markaa dhalisa in dadka badankiis moodaan in websiteku wax badan uusan ganacsiga ku soo kordhin. Si marka taas looga gudbo waa in shirkaddu taqaan sida website-keeda ay u bari lahayd dadweynaha iyo dadka kale ee mudan.
Si website-ku u noqdo mid waxtar leh dadkuna u bartaan waxaa la rabaa in shirkaddu yeesho arimahaan hoos ku qoran:-
- Ku baahi websiteka dhamaan goobaha shirkaddu leedahay kuna qor magaciisa dhamaan boorarka goobaha shaqadu ka socoto ee shirkaddu ama hay’addu leedahay.
- Ogeysii shaqaalaha shirkadda in shirkaddu website leedahay iyo in ay dadka macaamiisha ogeysiiyaan.
- Ku qor waraaqaha qaansheegta iyo kuwa rasiid yada magaca websiteka si qof kasta oo wax gata ama adeeg hela u arko in shirkaddu ay website leedahay uuna u barto.
- Xayeysiis yada shirkaddu ka baahiso raadiyaha, TV-ga iyo baraha bulshada waa in magaca websiteka lagu sheego oo lagu baahiyo si dadka dhegaysana ama arka xayeysiiska u ogaadaan in shirkaddu website leedahay.
- In emailka shirkaddu noqdo midka websiteka sida info@ganacsihebel.com si cid kasta oo aad la xiriirto u ogaato webka uguna xirmo.
- Ku qor magaca websiteka dhamaan goobaha baraha bulshada ee shirkaddu leedahay si markaas websiteka loo ogaado loona arko.
Siyaabaha lagu baahin karo jiritaanka website-ka shirkadda waa badan yihiin laakiin kuwaas kor ku xusan ayaa ugu muhiimsan.
Hadaba oraahda ay dad badan ku celceliyaan markii la yiraahdo website samaysta ee ah “website Soomaalidu ma isticmaasho mana akhriso” waa mid ku dhisan fahan daro dadka badankiis ka haysata waxa website shirkadeed yahay sidoo kale fahan daro ka haysata faa’iidada badan ee shirkaddu ama hay’addu ka helayso markay website leedahay ayna ugu muhiimsan yihiin in shirkaddu waxkasta oo ay doonayso in laga ogaado ay ku daabici karto website-ka halkaasna marwalba laga heli karo dadkuna ka akhrisan karaan.
Waxaan jecel nahay in marwalba ganacsigeenu yahay mid dadku garanayaan ayna arkaan kuna xirmaan had iyo goor, hadaba maxaa ka wanaagsan in aad yeelato bar gaar u ah ganacsiga xambaarsanna magaca shirkadda qof kastana garan karo kuna xirmi karo?. Jawaabtu waa waxba.
Ugu danbeyn waxaan ku boorinayaa ganacsi kasta iyo hay’ad kasta inay yeelato website ay ku soo bandhigto waxa shirkaddu ama hay’addu qabato. Tan waxay kaloo faa’iideynaysaa in shirkadaha teknolajiyadda ee ay asaaseen dhalinta Soomaaliyeed helaan shaqo joogto ah isla markaasna ay shaqo u abuuraan dhalinta Soomaaliyeed ee ka soo qalan jebisa jaamacadaha dalka ee kala duwan.
Waxaa kaloo loo baahan yahay in dawladdu ka yeelato horumarinta dhinaca adeegsiga tekta cusub ee ganacsiyada dalka heer maamul goboleed iyo mid federaalba.
Waxaan rajeynayaa in dadka badankiis ee akhrista qoraalkan kooban aysan dib danbe ugu celin hadalka qoraalkan cinwaanka u ah ee ay noqdaan dad dhiirada adeegsana internetka iyo tekta ay ugu horeyso inay shirkad walba yeelato website gaar u ah.
Siyaad Cali Yuusuf
Ogaaltek.



