Meta (Facebook) oo ogolaatay inay bixiso magdhow gaaraya 18 bilyan oo doolar..

Shirkadda Meta ayaa ogolaatay inay bixiso magdhow gaareysa 18 bilyan oo doolar taas oo ka dhalatay kadib markii lagu eedeeyey inay borogaraamdeeda dhalinyaradu isticmaalan ay noqdeen kuwo dhib weyn u geysta dhalinta da’doodu ka yartahay 16 sano.  Dacwaddan waxaa keenay ugu yaraan maamulada 49ka gobol ee dalka Maraykanka. 29 Gobol oo ay hor ka cayaan California , Kentucky iyo Colorado ayaa dacwad wada jir ah ka keenay Meta bilowgii 2023.

Hadaba, waxaa si gaar ah loogu eedeeyey Meta oo ah shirkadda iska leh borogaraamada kala ah Instagram, Facebook, Whatsapp iyo kuwa kale oo badan inay waxyeelo u geystaan dhalaanka. Waxaana lagu eedeeyey inay si ula kac ah ama ku talagal ah uga dhigtay borogaraamadeeda  kuwo la qabatimo (addicted) maskax ahaanna u dhaawaca dadka marwalba adeegsada  gaar ahaan ciyaalka da’doodu ka yartahay 16 sano.

Waxaa sidoo kale muddo lawada ogaa lana sheegay in madaxda shirkada ay ogaayeen in borogaraamadoodu dhaawac joogto ah u geystaan dhalinta balse ay iska indha tireen arinkaas iyaga oo raadinaya sidii ay dadku marwalba ugu jiri lahaayeen barahooda har iyo habeen.

Arinkan magdhowga ah ee kor ku xusan ayaa noqonaya kii ugu badnaa ee ay shirakadani bixiso, waxaana sida la sheegay lacagtaas loo isticmaalidoonaa in lagula tacaalo laguna daaweeyo ciyaalka dhibtu ka soo gaartay isticmaalka baraha bulshada gaar ahaan Instagram laguna maal geliyo borogaraamo yareeya dhibta baraha bulshada.

Waxaa sidoo kale Meta ogolaatay inay sistamyadeeda wax ka bedesho ayna ka dhigto kuwa ciyaalka ka ilaaliya inay wakhti badan ku jiraan baraha bulshada ayna sameeyaan habab lagu ilaalinayo bed qabka maskaxeed ee ciyaalka da’doodu ka yar tahay 16 sano.

Waxaa hubaal ah akhristow in lawada ogyahay maanta in baraha bulshada ay dhibaato weyn ku hayaan dadka caalamka guud ahaan taas oo aysan jirin cid inta badan ka ilaalisa waxyeeladaas dadkooda. Ina Soomaali ahaan bal xaalkeena lagama warami karo.

Share:

More Posts

Computer-ka iyo Soomaalida?

Soomaalida guud ahaan meel kasta ay joogaan waxay ku hooseeyaan lahaanshaha ama gadashada kumbuyuutarka, ha ahaado ganacsade, ha ahaado qof caadi ah, waa meel kasta

Send Us A Message