Sistemyada SharePoint ee Microsoft oo la jabsaday (hacked)

Shirkadda weyn ee Microsoft ayaa ku eedeysay kooxo ay sheegtay inay la shaqeeyaan dawladda Shiinaha inay jabsadeen sistemkeeda SharePoint oo ah sistem lagu wada xiriiro oo shirkaduhu isugu gudbiyaan nooc yada dukumiintiyada kala duwan.

Waxay shirkaddu sheegtay in qaybaha SharePoint ee ay isticmaalaan shirkadaha iyagu si gaar ah goobahooda shaqo ugu keydsada (servers) ay leeyihiin ay saameysay weerarka lagu jabsaday sistemkaas. 

Microsoft waxay sheegtay in qolada jabsatay ay ka faa’iideysteen waxa loo yaqaan Zero hour oo micnaheedu tahay cilad ku jirta sistemka oo aysan ogeyn shirkadda sistemka iska leh. Taas ayaa sababtay in qolada jabsatay sistemka ay heleen ciladaas kadibna ay sistemka galeen oo macluumaad badan gacanta ku dhigeen.

Shirkaddu waxay sheegtay inay ciladaas hagaajisay oo ku samaysay update ayna kula talisay shirkadaha oo dhan in ay sistemyadooda cusboonaysiiyaan (update).

Qolyaha la sheegay ee Shiinaha jooga jooga ee sistemka jabsaday waxaa lagu sheegay in lagu magacaabo Typhoon,  Violet Typhoon iyo Storm-2603 kuwaas oo loo tirinayo inay gacan weyn ku leedahay hawlahooda dawladda Shiinaha ayna u isticmaasho inay cadowgeeda iyo wadamadda aduunka ay dhinaca online-ka kula dagaalamaan. 

Shiinaha way diiday eedeyn taas waxayna ku sheegtay been abuurad aan raad lahayn. 

Hawlaha jabsiga sistemyada aduunka oo dhan waa badan tahay waana khatar badan oo aduunka oo dhan ka jirta una baahan in wadan walba ka yeesho siyaasad uuna helo cid aqoontaas tekta leh oo ka ilaalisa dhibta arintaani keenayso. 

 Lacag badan ayaa shirkadaha iyo wadamaddaba kaga baxda jabsiga xogaha iyo weerarada kaga yimaada dhinaca online-ka waxaana jira kuwo badan oo lacago badan ku dalbada marka ay sistem jabsadaan, ujeedkooda ugu weyna yahay inay lacag ku helaan kuwaas oo loo yaqaan (ransomware).

Siyaad Cali Yuusuf

Share:

More Posts

Computer-ka iyo Soomaalida?

Soomaalida guud ahaan meel kasta ay joogaan waxay ku hooseeyaan lahaanshaha ama gadashada kumbuyuutarka, ha ahaado ganacsade, ha ahaado qof caadi ah, waa meel kasta

Isambard AI

Isambard AI Dawladda Ingiriiska ayaa maanta daah furtay qalab kumbuyuutar oo awood badan (supercomputer) kana daah furtay jaamacadda Bristol ee magaalada Bristol ee Koonfurta Ingiriiska. 

Send Us A Message