Tan iyo markii uu soo baxay internet-ku, waxaa belowday isbedel ku dhacay sida wax loo iibsado, sida wax loo raadiyo iyo guud ahaan hababka kala duwan ee loo xiriiro hadey tahay ganacsi iyo hadey tahay mid shakhsi ahba.
Dhamaadkii qarnigii tegay (1997-2000) waxaa bilowday habab cusub oo loo helo ama lagu isticmaalo borogaraamada kumbuyuutarka (Software) noocuu doono ha ahaadee. Habkaan cusub ayaa loo bixiyey Software-as-a- Service oo loo soo gaabiyo SaaS. Kaas oo micnaheedu yahay in qofku ama ganacsigu ay borogaraamkay rabaan isticmaalaan meel kasta oo ay joogaan si online ah, isla markaana aysan u baahnayn inay borogaraamka (software) iibsadaan balse ay bixyaan lacag kiro ah oo ay u bixin karaan si bil bil ah ama sanad sanad kuna xiran hadba inta aad u baahan tahay.
Tusaale hadii aad rabto inaad hesho borogaraam kuu qabta howsha qaan sheegta (Invoice) oo aadan wax kale u baahnayn waxaad helaysaa borogaraamka qaan sheegta oo keliya oo aad bixinaysid lacag yar oo bila ah, markaa joojiso inaad isticmaashana waad iska xiraysaa wax culays ah oo ku saaranna ma jiro.
Wakhtigii hore waxay ahayd inaad iibsato borogaraamo badan oo isa saaran oo xisaabaadka loogu talo galay, kuwaas oo qaali ah isla markaasna kaaga baahan qalab kumbuyuutar oo aad ku keydiso kuna ilaaliso iyo tababar balaaran oo shaqaalaha la siiyo iwm. Howshaas oo dhan meesha ayaa laga saaray oo waxaa bedelay Software-as-a-Service iyo borogaraamka aad rabto dooro oo lacag billa ah iska bixi sidii koron tadii iyo biyahii oo kale.
Shirkadaha bilaabay howshaan cusub ee borogaraamada kala duwan loo isticmaalo waxaa ka mid ah Sales Force oo ah shirkadii ugu horeysay ee si toos ah u bilowday iibinta adeega SaaS sanadkii 1999. Wixii intaa ka danbeeyey waxay noqotay tartan in loo galo in dhamaan shirkadaha bixiya adeegyada softwareka ay online iyaguna aadaan oo ay alaabtooda tekta ku gadaan.
Shirkadaha hada xooga ku leh dhinaca adeegga SaaS waxaa ka mid ah shirkadda Microsoft oo ah shirkad weyn oo caalamka oo dhan awood ku leh. Dhamaan adeegyada borogaraamada Microsoft maanta waxay noqdeen online iyo in aad lacag bilaha bixiso ama sanad la’ah.
Tusaale borogaraamada kumbuyuutarka caadiga aan ku shubano ee MS Office sida Word, Excel, PowerPoint iwm waxay geliyeen qaybta online-ka waxayna ugu yeereen Microsoft 360 oo micnaheedu tahay borogaraam danbe oo shirkaddu leedahay lama xadi karo waana arin muujinaysa sida miskiin hawada uga baxay.
Weli waa la helaa xiligan 2025 borogaraamada Microsoft ee kumbuyuutar lagu shubto balse waa qaab xatooya ah waxaana dhici doonta in mar dhow laba waayo oo ay noqoto lacag hadii aadan haysan Microsoft wax uu leeyahay siticmaali maysid.
Hadaba faa’iidooyinka habkaan soo kordhiyey waxaa ka mid ah (advantages): inaadan u baahnayn inaad qalab badan iibsato iyo inaad borogaraamka iibsato, kharashka oo yar aadna u bixinayso bil bil iwm, meel kasta oo aad ka isticmaali karto aduunka aad ka joogto, xiligaa doonto oo aad iska xiri karto iyo weliba inaad borogaraamo cusub hadaad u baahato aad ku darsan karto iwm.
Dhinaca khasaaraha )Disadvantages) waxaa ka mid ah: in borogaraamyadu yihiin kuwo cid kasta isticmaasho oo isku mid ah, malaha hab aad si khaas ah aad ugu habaysan karto, iyo suurta galka in khadka internetka markuu go’o aadan awoodin inaad isticmaasho borogaraamkii iwm.
Ugu danbeyn waxaa muhiim ah in dadka Soomaaliyeed ogaadaan in waxkasta oo bilaash lagu isticmaali jiray sida borogaraamada Microsft iyo kuwa kaleba muddo yar gudahood la weyn doono oo ay noqonayso lacag baxso ama iska tag.
Siyaad Cali Yuusuf
Ogaaltech



