6 billion ayaa laga dhacay shirkadda lacagta danabaysan Binance

Binance Hack

Waxaa la sheegay in la jabsaday akoono ay leedahay shirkadda lacagta danabaysan (cryptocurrency) Binance lana dhacay lacag ka badan 6 bilyan oo ah lacagta loo yaqaan cryptocurrency taas oo sida la sheegay lala baxay intii u dhexeysan 29-30kii Bisha Octoobar 2026.

Lacagta la jabsaday (Hacked) waxaa lagu sheegay in lagala baxay akoono kala duwan oo shirkaddu leedahay dad bandanna lacag ugu keydsanayd. Lacagta danabaysan cryptocurrency waxay leedahay noocyo kala duwan sida Ethereum, Bitcoin, Tron, Solana iyo kuwa kale oo la mid ah.

Waxaa la sheegay in cidda laga sheki san yahay inay jabsaday akoonada shirkadda Binance ay yihiin kuwa ka soo jeeda dalka Waqooyiga Kuuriya, dalkaas oo caan ku ah cilmiga teknolajiyadda gaar ahaan tan wax lagu basaaso iyo hababka loo helo xogaha kala duwan ee dawladaha ay is hayaan. Taas ayaa u sahasha Waqooyiga Kuuriya oo cuna qabatayn adag lagu hayo  inay sanad walba ka hesho lacag bilyaaro doolar ah arimaha denbi internetka (internet crime) in kastoo dawladda Waqooyiga Kuuriya ay dafirsan tahay inay arimahaas ku lug leedahay ayna ku sheegto been abuur.

Waxaa la sheegay in lacagta intaa leeg lagula baxay oo lagula wareegay muddo 20 daqiiyo ah. Shirkadda Binance waxay sheegtay ilaa hada inay xanib tahay lacag gaareysa 3 bilyan oo doolar inta kalena ay ku taba jirto oo ay rajeynayso inay soo hesho.

Ciidanka ilaalada gaarka ah ee madaxda Maraykanka (Secret Servide) ayaa sheegay inay iyaguna ku daba jiraan lacagtaas ayna rajeynayaan in ay soo helaan.

Binance waxaa asaasay  Changpeng Zhao oo ah nin asal ahaan Shiinays ah balse haysta dhalashada dalka Canada. Waxuu sidoo kale hada degan yahay dalka Imaaraadka Carabta magaalooyinka kala ah Duba iyo Abu Dhabay. Waxaa kaloo la sheega inuu 90% shirkadda asagu leeyahay uuna sidoo kale haysto dhalaso Imaaraati ah. Wuxuu shirkadda asaasay bishii Julay 2017 waxayna markii hore Binance xarun u ahayd dalka Shiinaha in kastoo markii danbe ay ka guurtay meel rasmi ah oo hada xarun u ahna aysan jirin.

Akhristow waxaa mudan in aad ogaato in aduunka oo dhan maanta aad loo cabsi qabo adeegsiga garaad gacmeedka (Artificial Intelligence) ee dhinaca jabsiga aaladaha kala duwan ee internetka ku xiran iyo guud ahaan khatarta aaladan ay ku soo kordhisay amaanta macluumaadka iyo Internetka caalamka oo dhan.

Binance waa shirkadda ugu weyn ee dhinaca lacagta danabaysan caalamka, waxaana la sheegaa in sanadkii ay qabato lacag ka badan 16 bilyan oo doolar (Revenue).

 Siyaad Cali Yuusuf

Ogaal Teknolaji

Share:

More Posts

PHP oo cilad baahsan laga helay

PHP oo ah borogaraam ay ku dhisan yihiin in ka badan 30 milyan oo website/boggag internet ayaa waxaa la sheegay in laga helay khalad (vulnerability)

Send Us A Message