Waxaa la sheegay in in ka badan 500 milyan oo qof akoonadooda facebook iyo macluumaadkii khaaska ahaa la jabsaday. Macluumaadka la jabsaday ama la helay waxaa ka mid ah telefoonka qofka, sirta uu ku galo akoonka facebook, emailka iyo macuumaad kale oo muhiim ah.
Kuwa arimaha jabsiga noocaan oo kale ah ka hadla waxay sheegayaan in laga yaabo in macluumaadkaas lagu sameeyo denbiyo kala duwan (fraud) iyada oo layska dhigayo dadka macluumaadkooda la jabsaday ama la helay.
Shirkadda facebook weli kama hadlin arintaan dhacday, waxaana la sheegayaa in qolyaha jabsaday ay ka faa’iideysteen debecsanaan xagga systemka facebook ah oo 2019 la ogaaday, taas oo facebook sheegtay xiligaas inay dabooshay oo cilad bixisay.
Macluumaadka waxaa lagu daabacay bar kuwa wax jabsada ay leeyihiin si bilaash ah.
Inta badan dadka macluumaadka dadka iyo shirkadaha jabsada waxay doonayaan hab ay lacag ku sameeyaan ama shirkadaha ku baadaan iwm.
OgaalTech



