Alibaba oo lagu eedeeyey in tiknoolajiyadiisa lagu garto muuqaalka qofka

Alibaba oo lagu eedeeye in tiknoolajiyadiisa lagu garto muuqaalka qofka (Facial Recognition Technology) loona isticmaalo in lagu bar tilmaameedsado dadka Muslimka ee ka soo jeeda qoymiyadda Uighur see dalka Shiinaya.

Shirkadda Alibaba waxay sheegtay in wararka sheegaya in tiknolajiyada noocaan ah loo isticmaalay in dadkaa lagu bartilmaameedsado ay tahay mid been ah isla markaasna ay qirteen in si tijaabo ah loo isticmaalay in la ogaado qabiilka iyo cida qofku yahay taas oo ay shirkaddu sheegtay inay ahayd oo keliya tijaabo balse aan si buuxda dawladdu u isticmaalin. Dalka shiinaha waxaa meel walba ku xiran kaamirooyin kuwaas oo si toos ah ugu xiran borogaraamo tarjumaya waxa ay arkayaan isla markaasna dawladdu ay u adeegsado siyaabo kala duwan.

Gaar ahaan waxaa xusid mudan in dalka Shiinaha ay aad u adeegsadaan tiknoolajiyadda noocyadeeda kala duwan si ay markaa ula socdaan shacabka guud ahaan waxa ay samaynayaan iyaga oo ku andacoonaya sugidda amniga iwm. Balse dadka Muslimka ah ee shiinaha ayaa iyaga si gaar ah loo bartilmaameedsadaa loona isticmaalaa tiknoolajiyaddo kala duwan si xaquuqdooda iyo amnigooda wax loo yeelo.

Share:

More Posts

Computer-ka iyo Soomaalida?

Soomaalida guud ahaan meel kasta ay joogaan waxay ku hooseeyaan lahaanshaha ama gadashada kumbuyuutarka, ha ahaado ganacsade, ha ahaado qof caadi ah, waa meel kasta

Isambard AI

Isambard AI Dawladda Ingiriiska ayaa maanta daah furtay qalab kumbuyuutar oo awood badan (supercomputer) kana daah furtay jaamacadda Bristol ee magaalada Bristol ee Koonfurta Ingiriiska. 

Send Us A Message