Maxkamad ku taal Kenya ayaa xanibtay akoonada shirkadda Flutterwave oo ah shirkad laga leeyahay dalka Nayjeeriya kana mid ah shirkadda Afrika ee dhinaca teknolajiyadda maaliyadda ee loo yaqaan FinTech (financial technology.
Hay’adda loo yaqaan ARA (Kenyan Assets Recovery Agency) ayaa tiri waxaan dalabnay in la hakiyo lacag ka badan 6.2 bilyan Kenyan shillings oo u dhiganta 53 milyan oo doolar taas oo aan ku guulaysanay.
Flutterwave ayaa ah shirkad isku xirta ganacsatada iyo macaamiisha ee dhinaca lacag bixinta iyo wax iibsiga iyada oo la isticmaalayo app-keeda mobile ee Flutterwave iyo weliba boggeeda internetka. Waxay ka mid tahay shirkadaha teknolajiyadda lacagta/maaliyadda ee ka jira Afrika qiimahuuduna ka badan yahay 1 bilyan oo doolar.
Dawladda Kenya waxay ku eedaysan Flutterwave in ay ku lugleedahay gudbin lacago sharci daro ah (money laundering) iyo wax isdaba marin (fraud) aysanna shirkaddu cadeyn u hayn lacago la marsiiyey akoono gaaraya 29 akoon oo ka furan sadex bangi isla markaasna aysan shirkaddu ka haysan shati ay ku shaqeyso bangiga dhexe ee Kenya.
Ninka madaxa ka ah shirkadda Flutterwave ayaa sheegay in arinka ay ku kacday dawladda Kenya ay tahay arin siyaasadeysan oo ku wajahan doorashada dalka ka dhacaysa wuxuuna iska fogeeyey gebi ahaanba eedeynta loo soo jeediyey.
Ogaaltech



