PHP oo cilad baahsan laga helay

PHP oo ah borogaraam ay ku dhisan yihiin in ka badan 30 milyan oo website/boggag internet ayaa waxaa la sheegay in laga helay khalad (vulnerability) kaas oo sababi kara in kuwa internet denbiyeedka (Cyber criminals) ay ka faa’iideystaan oo jabsadaan (exploit).

Ciladan ayaa timi kadib markii shirkadaha garaad gacmeedyada sameeyey ee hada caanka ah sida OpenAI iyo Anthropic ay heleen ciladaas ayna ku tijaabiyeen in la jabsan karo kadibna si qarsoodi ah dad xogta helay ay ciladda banaanka u soo dhigeen taas oo markaa keentay in laga baqo in qolada internet denbiyeedka ku shaqeysta ay ogaadaan kadibna weeraar boggag muhiim ah oo caalamka oo dhan ka jira kuna dhisan aalada PHP.

PHP waxay u taagan tahay Personal Home Page in kastoo mar danbe loo bedelay looguna yeero xiligan Hypertext Preprocessor waana borogaraam lagu dhiso borogaraamada websites-ka amaba ah borogaraamka u dhexeeya qofku waxa uu arkayo iyo databaseka macluumaadku ku keydsan yihiin ( server side programming/scripting language). Wuxuuna PHP ka mid yahay borogaraamada furan (open source) oo aan cid gaara lahayn waxaana gacanta ku haya mutadawaciin (volunteers) kala duwan oo ay ka mid tahay PHP foundation iyo kuwa kale.

PHP waxaa sameeyey oo soo saaray markii ugu horeysan Rasmus Lerdoft abaarihii 1993-1994 wuxuuna u dhashay dalka Denmark in kastoo oo markii danbe noqday Canadian (Danish-Canadian) wuxuuna cilmiga kumbuyuutarka ku bartay jaamacada Waterloo ee dalka Canada (Systems Design Engineering) waxa loo yaqaan ayuu qaatay.

Hadaba marka waxaa aad looga cabsi qabaa in boggag badan oo PHP ku dhisan la jabsado in kastoo la sheegay in durbaba la diyaariyey cilad bixin hawshiina la xaliyey balse maadaama uu PHP yahay mid aad loo isticmaalo oo shirkado kala duwan ay hosting gareeyaan malaga gaarsiin karaa in cidkasta cilada xaliso si degdeg ah mise?..

Websites badan ayaa khadka laga saaray labadii beri ee ugu danbeeyey kuwaas oo ay lahaayeen dawlado iyo hay’ado badan oo caalamka oo dhan ah.

Borogaraamka ugu caansan ee websites-ka lagu dhiso ee Word Press ayaa ku dhisan PHP gebi ahaanba kaas oo malaayiin bog gaaraya caalamka oo dhan.

Khatarta garaad gacmeedku keenay ayaa waxaa ka mid ah sida sahlan ee maanta internet denbiyeed loo geli karo loona jabsan karo khadadka muhiimka ah ee internetka.

Siyaad Cali Yuusuf

Share:

More Posts

Send Us A Message