Qaboojiyaashii dukaamada waaweyn ee Yurub oo la jabsaday (Hacked).

Waxaa la jabsaday qaboojiyaasha (freezers) ee supermarket-yo badan oo ku yaal wadama badan oo Yurub ah sida France, Belgium, Germany, Spain, Italy iyo kuwa kale oo badan.

Wadanka ugu badan ee la sheegay in dhibta ugu weyni gaartay waa dalka Belgium oo dukaano cuntada gada oo waaweyn sida Carrefour, Delhaize, Colruyt/Spar, iyo IKEA. Sidaa si lamid ah ayaa wadamada kalena suuqyada cuntada gada (Food Supermarkets) sistemyadooda loo jabsaday.

Akhristow waxaad ogtahay in maanta aalad kasta oo casri ah ay ku xiran tahay internet-ka ayna ku shaqeyso software kaas oo laga kantaroolo shaqada uu qabanayo qalabkaas sida qaboojiyaasha cuntada ee weerarkani ku dhacay.

Waxaa la sheegay in qolada internet denbiyeedka gashay ay bedeleen heer kulka qaboojiyaha taas oo markaa keentay in cuntadii ku jirtay ay xumaato waayo cuntadu waxay u baahan tahay heer kul/qaboojin ku haboon cuntada sidaa awgeed waxaa dhacday in cunto badan la daadiyo oo la khasaaro.

Waxaa lagu eedeeyey amaba sheegtay kooxo lagu tirinayo inay degan yihiin dalka Ruushka oo sida aan wada ognahay dagaal ba’an kula jira dalka Yugrayn ayna aad u caawinayaan dalalka Yurub ee weerarka qaboojiyaasha lagu qaaday.

Waxaa la sheegay in sistemyada qaboojiyaasha ay ahaayeen kuwa laga maamulo meel fog (remote control) oo injineeradu markay rabaan wax ka bedeli karaan hadba heerka kulka/qaboojinta loo baahan yahay iyo wixii kale oo farsamo ah. Taas ayaa marka sababtay sida la sheegay in qolada weerarka geysatay (cyber hackers) ay la wareegeen software laga maamulo kadibna ay bedeleen heerka kulka ee qaboojiyaasha gaar ahaan xili habeen ah oo aan cidina dareemi karin suuqyaduna xirnaayeen amaba laga rawaxay goobaha shaqada.

Shirkad la yiraahdo Danfoss oo laga leeyahay dalka Denmark ayaa ka mid ah kuwa ugu caansan ee qalabka qaboojiyaasha sistemkuudu ku shaqeeyo waxaana la sheegay in mar hore la ogaaday in sistemka shirkadaasi cilad leeyahay uuna u sahlan yahay in qolada internet denbiyeedku ay jabsan karaan. Waxay shirkadu sheegay in ah sistemkeeda horumarin ku samaysay ana dabooshay meelaha laga soo geli karo sistemyadeeda. Balse sida muuqata inta aan isbedel kaasi  wada gaarin supermarket yada ayaa laga faa’iideystay oo la jabsaday.

Waxaa hada la sheegayaa in supermarket yada badan kood ay ka jareen qaboojiyaashooda internetka si aysan tan oo kale markale u dhicin. Waxayna noqonaysaa wixii hada ka danbeeya in ingineerada farsamadu ay yimaadaan goobta shaqada oo aysan online waxka bedelin.

Sistemyo badan ayaa jira oo qaboojiyaashu ku shaqeeyaan internet-kana ku xiran aadna loo ilaaliyo ilaa hadana aan la jabsan.

Arintan ayaa tusaale u ah in maanta caalamka oo dhan loo baahan yahay in laga digtoonaado denbiyada internetka iyo dhibaatada ay u keeni karaan dal, dad iyo hay’adoba.

Soomaalidu wax ha barato oo cilmiga tekta cusub halagu baraarugo.

Siyaad Cali Yuusuf

Share:

More Posts

PHP oo cilad baahsan laga helay

PHP oo ah borogaraam ay ku dhisan yihiin in ka badan 30 milyan oo website/boggag internet ayaa waxaa la sheegay in laga helay khalad (vulnerability)

Send Us A Message