Apple, Iphone iyo Soomaalida maxaa kala haysta.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaan arkay indhowaale aad u raadinaya inay gataan telefoonada ay samayso shirkadda Apple ee laga leeyahay dalka Maraykanka sida mobilelada Iphone-ka, Ipad iwm. Qiimaha dadku ku gadanayaan mobile-ka Apple waa inta u dhexeysa 350-450  doolar kuwa celiska ah halka  kuwa cusub  qiyaas ahaan u dhexeeyaan 600 ilaa 1,400 oo doolar ama in ka badanba. 

Su’aashu waxay tahay goorma ayaa dabaysha Apple iyo telefoonada ay samayso na soo gaartay, yaase ka danbeeya in dadkeena faqiirka u badan laga dhaadhiciyo in mobileka Iphone uu ka fiican yahay kuwa kale ee shirkadaha kale sameeyaan, qiimaha lagu gadtana uu yar yahay aadna loo isticmaalo dalka intiisa badan.

Waxaa sidoo kale xusid mudan akhristow, in dadka inta badan raadinaya mobile-ka Iphone ay yihiin dhalin yaro gabdho iyo wiilal kana soo jeeda qoysas faqiir ah oo aan heli karin qutulyoonka iskadaa inay gadaan mobile qiimihiisu gaaro 600 oo doolar iyo wax ka badan.

Dhinaca kale, Apple waa shirkadda ugu qiimaha badan aduunka ee maanta caalamka ka jirta, waxaa lagu qiyaasaa in qiimaha shirkaddan ay suuqa ku taal ay ka badan tahay 2 tiriliyan oo doolarka Maraykanka ah. 1 tiriliyan wuxuu u dhigmaa kun bilyan oo doolar.

Apple waxay sidoo kale caan ku tahay alaabta ay soo saarto oo qaybo kala duwan ka kooban iyo hababka loo dhisay ama loo sameeyey ay tahay mid iyada gaar u ah (Proprietary) oo aan cidkale samayn karin aysanna ogeyn aadna loo qariyo xogaha siyaabaha shirkaddu wax u samayso.  Taas waxay awood u siisay shirkadda inay marwalba soo saarto alaab cusub sida mobile iyo kumbuyuutaro iyo weliba softweero kala duwan. 

Apple waxay sidoo kale caan ku tahay inay abuurtay nidaam suuq geyn iyo soo bandhigid alaabteeda sanad walba oo aad u heer sareeya.  Markasta oo ay alaab cusub sameyso Apple waxaa  dadka looga dhigaa iibsiga alaabtaas wax muqadas ah oo aan laga maarmi karin. 

Waxay shirkaddu ku caan baxday inay samaysay goobo aad u quruxbadan oo alaabta lagu iibsho iyada oo laga dhaadhiciyey dadka inay safaf dhaadheer u galaan wakhti hore si marka dukaanada la furayo ay u noqdaan dadka ugu horeeya ee alaabta cusub iibsada taas oo markaa dhalisay in arinkan ayba noqotay caado sanad walba maalin lagu soo aadiyo isla markaasna loo sameeyo xayeysiis dhinaca warbaahinta iyada oo la muujinayo dad aad u faraxsan kadib markii ay alaabtii ugu horeysay ay iyagu iibsadeen ama gacanta ku dhigeen.

Arimahan waxay noqdeen kuwa si joogta ah u caanbaxa kadibna isu bedelay caado dadka qaarkood ku sifeeyeen diin iyo cibaado kadib markii la arkay dadkii oo u jidbaysan alaabta cusub ee Apple soo bandhigi doonto gaar ahaan mobile-lada Iphone-ka, Ipad-ka iwm. 

Dadka arimaha duufsiga dadka (influence)  iyo jaahwareerinta bulshada (human manipulation) ku takhasusay ama ka faalooda waxay in badan ka digeen in shirkadda Apple iyo sida ay u dhaqmayso ay tahay mid xad dhaaf ah marka la eego sida shirkaddu dad badan uga dhaadhicisay inay tahay muqadis aan la dhaafi karin iyada oo ujeedkeedu yahay inay marwalba hesho faa’iido badan alaabteeda kala duwanna la iibsado.

Arimaha ku saabsan hababka Apple u shaqeyso ee macaamiisha ula dhaqanto waxay ka bilaabatay dalka Maraykanka kadibna waxay ku faaftay wadammada Yurub, Jaban iyo kuwa kale ee shirkaddu ka hawl gasho. Suuqeeda ugu weyn maanta waa Maraykanka, Shiinaha iyo Yurub balse waxaa moodaa in hada ay socoto dadaal shirkaddu ku doonayso inay suuqyada Afrika si xowliha ku gasho kana faa’iideysato dadka Internetka ku soo biiraya ee qaarada Afrika lagana yaabo in badan oo ka mid ah inay awoodaan inay Apple alaabteeda iibsan karaan xaga dhaqaalaha marka la eego.

Hadaba Soomaalida waxaa la gudboon inaysan ku kadsoomin Apple alaabteeda ayaa fiican ee ay ka digtoonaadaan dhibaha dhaqaale iyo farsamo ee alaabta Apple ku gadaaman oo ay ka mid tahay in Apple ay tahay shirkad marwalba la socota qofka isticmaalaya alaabteeda iyo waxa uu samaynayo isla markaasna waxkasta oo ku jira mobileka ay tahay wax ay ogtahay Apple ayna ku samayn karto waxay doonto taas oo dhaawaci karta dhinaca sumcadda iyo caqliga qofka.

Guud ahaan waxaan ognahay in shirkadaha teknolajiyadda gaar ahaan kuwa internet-ka sida Google, Apple, Microsoft, Facebook, Tiktok iwm ay aad ugu dadaalaan in dadweynuhu barahooda iyo sistemyadooda ku xirnaadaan had iyo goor taas oo guud ahaan dhaawac u geysata wakhtiga, dhaqanka iyo weliba wax soo saarka qofka bini’aadamka ah gaar ahaan dadka ku nool wadammada soo koraya sida Soomaaliya oo aan aqoon iyo ogaal fiican u lahayn khataraha ka iman kara shirkadahan caan baxay.

Ugu danbeyn waxaan kula talin lahaa waalidka iyo dadka Soomaalida inaysan ku kadsoomin ismoodsiinta iyo been abuurka ku hareeraysan wanaagga iyo sharafta beenta ah ee laga helayo in la yeesho mobile ay samaysay shirkadda Apple oo ah shirkad habdhaqan keeda iyo  ujeedooyinkeedu aysan ka tarjumayn wanaag iyo horumar ee ay ku egtahay oo keliya sidee lacag badan u helnaa aduunkana uga dhaadhicnaa marwalba inay alaabtayada iibsadaan waxtar iyo waxtar la’aanba. 

Apple sadexdii biloodba waxay heshaa lacag ka badan 100 bilyan oo doolar, adiga Soomaaliga ah ee miskiink ah maxay kaaga baahan tahay Apple ee aad ugu adeegaysa oo aad wakhtigaaga iyo lacagtaada isaga dhuminaysaa adiga oo heli kara mobile waxkasta oo aad u baahan tahay kuu qaban kara aadna uga raqiisisan kuwa shirkadda Apple ay samayso ee Iphone, Ipad iwm.  

Siyaad Cali Yuusuf

OgaalTech.

Share:

More Posts

Computer-ka iyo Soomaalida?

Soomaalida guud ahaan meel kasta ay joogaan waxay ku hooseeyaan lahaanshaha ama gadashada kumbuyuutarka, ha ahaado ganacsade, ha ahaado qof caadi ah, waa meel kasta

Isambard AI

Isambard AI Dawladda Ingiriiska ayaa maanta daah furtay qalab kumbuyuutar oo awood badan (supercomputer) kana daah furtay jaamacadda Bristol ee magaalada Bristol ee Koonfurta Ingiriiska. 

Send Us A Message