Isambard AI

Isambard AI

Dawladda Ingiriiska ayaa maanta daah furtay qalab kumbuyuutar oo awood badan (supercomputer) kana daah furtay jaamacadda Bristol ee magaalada Bristol ee Koonfurta Ingiriiska. 

Kumbuyuutarka oo loo bixiyey IsambardAI ayaa ah mid awood u siinaya in lagu hormariyo wax soo saarka dhinaca tekta cusub ee dalka UK gaar ahaan ogaan shaha waxyaalaha ku taxaluqa cilmi baarista, horumarinta caafimaadka iyo tijaabinta borogaraamada kala duwan ee dhinaca maskaxda macmilka ah (Artificial Intelligence- AI).

Kumbyuutarkaan ayaa lagu sheegaa inuu ka mid yahay kuwa ugu awoodda badan aduunka maanta la sheegayo inuu ka mid yahay 10 kumbuyuutar ee ugu awoodda badan aduunka oo dha.

Magaca loo bixiyey waa magac taariikh ku leh dalka UK waana magaca ingineerkii caanka ahaa ee Isambard Kingdom Brunel.

“Soomaaliya weli iskuuladeena kumbuyuutar lab oo kooban xataa maleh loomana soo jeedo.. marka inaad fakhri ahaato dhinac kasta haka xumaan”.

Dawladda Ingiriisku qalabkaas waxay ku bixisay lacagta Sterlin oo gaareysa £225 Milyan. Waxaana daah furay wasiirka tekta iyo sayniska Peter Kyle. Waxaa kumbuyuutarkaas ku jira in ka badan 5,400 GH200 Grace oo ah maskaxda (computer chips) aad u awood badan ayna samayso shirkadda Nvidia ee dalka Maraykanka laga leeyahay.

OgaalTech

Share:

More Posts

Computer-ka iyo Soomaalida?

Soomaalida guud ahaan meel kasta ay joogaan waxay ku hooseeyaan lahaanshaha ama gadashada kumbuyuutarka, ha ahaado ganacsade, ha ahaado qof caadi ah, waa meel kasta

Send Us A Message